215 qof oo u fadhiistay imtixaan Garsoorenimo “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa daahfuray Imtixaan ay u fariisteen 215 qof oo loo galayey 40 jago Garsoorenimo, kuwaaas oo loo qaadanayo Maxkamadaha darajada 1aad iyo 2aad ee Gobolka Banadir.

 Maxkamadda Sare waxaa ka go’an in ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u sinto fursadaha shaqo ee ka banaanaada Garsoorka.
 Arrintani waxay qayb ka tahay dib-u-habayn balaaran oo ku socota Garsoorka dalka, si loo xaqiijiyo helitaanka garsoor awood buuxda u leh xilgudashadiisa, ummaddana ugu adeega si hufan, madaxbanaan oo dhexdhexaad ah.